Muqdisho (Dawan) – Markabkii ugu horreeyay ee ku shaqeeya khadka tooska ah ee isku xira Istanbul iyo Muqdisho ayaa soo gaaray Dekedda Muqdisho, sida uu Sabtidii sheegay wakiilka shirkadda maraakiibta Turkiga ee Akkon Lines. Wuxuu sheegay in khadkan cusub uu muddada rarka ee u dhexeysa labada dal ka soo gaabinayo 40 maalmood ilaa 15 maalmood.
Maxamed Cabdullaahi, oo ah madaxa shirkadda Ocean Network Shipping, wakiilka Akkon Lines ee Soomaaliya, ayaa arrintan ka sheegay xaflad lagu furayay xafiiska cusub ee shirkadda, kaas oo ku yaalla degmada Waaberi ee Muqdisho. Wuxuu sheegay in markabku uu Istanbul ka soo ambabaxay 14-kii November, isla markaana uu maanta, oo ah 28-ka November, soo gaaray Dekedda Muqdisho.
"Waxaan bilownay khad toos ah oo ka yimaada Istanbul kuna socda Muqdisho. Markabkii ugu horreeyay wuxuu baxay 14-kii bishan, maanta oo ah 28-ka bishana wuxuu soo gaaray Dekedda Muqdisho," ayuu yiri Cabdullaahi.
Wuxuu sheegay in shirkaddu ay howlaheeda Muqdisho bilowday lix bilood ka hor, xilligaas oo maraakiibteedu ay magaalada imaan jireen laba jeer bishii. Muddada rarka ee Turkiga iyo Soomaaliya u dhexeysa ayaa markaas ahayd 35 ilaa 40 maalmood.