Muqdisho (Dawan) — Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliyeed, kaddib markii la marsiiyay akhrinta saddexaad, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray Aqalka Sare. Hindise-sharciyeedka waxaa oggolaaday 27 sanatar, hal sanatar ayaa ka aamusay, mana jirin sanatar diiday.
Ansixinta ayaa timid kaddib markii Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Sanatar Ibraahim Owgaab Cismaanu, uu golaha la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad ee hindise-sharciyeedka. Kulanka 13-aad ee kalfadhiga siddeedaad ee Aqalka Sare waxaa shir-guddoomiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehelinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde).
Sanatarrada ayaa sidoo kale akhrinta koowaad mariyay Hindise-sharciyeedka Maamulka Danabaysan iyo Hindise-sharciyeedka Kufsiga iyo Anshax-xumada.