Muqdisho (Dawan) — Soomaaliya ayaa maanta daahfurtay ololaha qaran ee tallaalka cudurka dabaysha, kaas oo lagu beegsanayo 1.4 milyan oo carruur ah, iyadoo dowladda ay xoojinayso dadaallada lagu ciribtirayo cudurkan.
Ololahan oo ay fulinayso Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa socon doona inta u dhexeysa 28-ka Nofeembar iyo 2-da Diseembar, waxaana lagu tallaalayaa carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano ee ku nool 30 degmo oo dalka ah.
Wasiirka Caafimaadka, Cali Xaaji, ayaa sheegay in wajiga koowaad ee ololaha tallaalka cudurka dabaysha laga fulin doono 30 degmo, iyadoo la beegsanayo 1.4 milyan oo carruur ah.