Muqdisho (Dawan) — Soomaaliya ayaa dhammaystirtay diyaarinta baasaboorka elektaroonigga ah ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyadoo qorshuhu yahay in bixintiisa la bilaabo bisha Janaayo ee sannadka 2027, sida lagu sheegay war lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Bulshada Bariga Afrika.
Baasaboorka cusub ayaa lagu xiri doonaa nidaamka aqoonsiga qaranka Soomaaliya, waxaana la filayaa in adeegga bixintiisa laga heli karo safaaradaha iyo xafiisyada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ku leedahay dalalka dibadda.
Sida ay sheegtay EAC, hirgelinta baasaboorkan ayaa fududeyn doonta isu-socodka muwaadiniinta dalalka xubnaha ka ah ururka, gaar ahaan safarrada la xiriira ganacsiga, shaqada iyo fursadaha kale. Waxa kale oo uu gacan ka geysan doonaa waafajinta nidaamyada socdaalka iyo aqoonsiga Soomaaliya iyo kuwa Bulshada Bariga Afrika, taas oo xoojin doonta amniga iyo hufnaanta maamulka xuduudaha.
Dalalka Burundi, Kenya, Rwanda, Uganda iyo Tanzania ayaa hore u bilaabay bixinta baasaboorka elektaroonigga ah ee EAC. Koonfurta Suudaan ayaa iyaduna sheegtay inay horumar ka samaysay diyaar-garowga bixintiisa, kaddib markii ay heshiiska EAC ku dartay shuruucdeeda gudaha.