Nairobi (Dawan) – Kobaca dhaqaalaha Soomaaliya ayaa hoos ugu dhacay qiyaastii 3% sanadkii 2025 marka loo eego ku dhowaad 4% sanadihii 2023 iyo 2024, kadib markii gargaarka dibadeed oo yaraaday, xaaladaha abaarta iyo sare u kaca qiimaha nolosha ay siyaadiyeen baahida gudaha ka jirta, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee Somalia Economic Update oo uu soo saaray Bangiga Adduunka.
Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay kulan online ah oo maanta oo Arbaco ah ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socda Bangiga Adduunka iyo khubaro dhanka tamarta ah.
Faafinta 11-aad ee Somalia Economic Update 2026, oo cinwaankeedu yahay “Ka Gudbidda Dhibaatooyinka, Xoojinta Koboca,” ayaa sheegtay in hoos u dhaca gargaarka bani’aadannimo iyo kan amniga, saameynta abaaraha ee beeraha iyo kororka kharashaadka qoysaska ay wiiqeen dhaq-dhaqaaqa dhaqaalaha, isla markaana ay hakad geliyeen kobaca dakhliga qofka.
Warbixinta ayaa sheegtay in sicir-bararka uu gaaray 3.7% sanadkii 2025 marka loo eego 3.3% sanadkii 2024, iyadoo kororkaasi inta badan uu ka yimid qiimaha cuntada, gaadiidka iyo adeegyada korontada.
“Soomaaliya waxay sameysay horumar muhiim ah oo dhinaca maareynta dhaqaalaha iyo xoojinta hay’adaha, inkastoo ay jiraan xaalado adag,” ayuu yiri Maareeyaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Hideki Matsunaga.
“Si kastaba, dhibaatooyinka is biirsaday waxay gaabiyeen kobaca dhaqaalaha waxayna cadaadis saareen shaqooyinka iyo nolol maalmeedka qoysaska,” ayuu raaciyay.


