Jeddah (Dawan) – Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ayaa kala saxiixday heshiiska sannadlaha ah ee qoondada Xajka 2027, kaas oo Soomaaliya u oggolaanaya inay Xajka u dirto 11,500 xaaji, sida uu sheegay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV).
Heshiiska ayaa magaalada Jeddah waxaa ku kala saxiixday Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, iyo Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga, Dr. Towfiiq Al-Rabiici.
Qoondada Soomaaliya ee sannadka 1448/2027 ayaa la mid ah tii sannadkii hore, markaas oo dalka loo oggolaaday 11,500 xaaji oo gutay waajibaadka Xajka 1447/2026.
Munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa Qunsulka Guud ee Soomaaliya ee Jeddah, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta, Dr. Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi, iyo Guddoomiyaha Xafiiska Adeegyada Xajka Soomaaliya, Dr. Khadar Daahir.