Jabuuti (Dawan) – Golaha Wasiirrada Jabuuti ayaa Talaadadii ansixiyay in dhul dhisan oo cabbirkiisu yahay 4 hektar, kaas oo ku diiwaangashanaa magaca Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP), dib loogu celiyo hantida gaarka ah ee dowladda, sida ay sheegtay Madaxtooyada Jabuuti.
Dhulka oo ku yaalla goobta loo yaqaan PK20 ayaa loo wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Wadajirka, si loogu adeegsado hawlaha saadka ee barnaamijka cuntada ee dowladda Jabuuti, sida lagu sheegay bayaanka Golaha Wasiirrada.
Bayaanka laguma sheegin sababta dhulka dib loogu soo celiyay dowladda, in arrintani ay ku timid heshiis lala galay WFP iyo in kale, ama haddii hay'addu ay sii wadi doonto hawlaheeda goobta.