Garoowe (Dawan) – Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Talaadadii Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) kala hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladaha qaxootiga iyo barakacayaasha ku sugan Puntland, sida ay sheegtay Madaxtooyada Puntland.
Lugatoor, oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya, Jing Song, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay Puntland siinayso iskaashiga hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan UNHCR, si xal waara loogu helo xaaladaha qaxootiga iyo barakacayaasha, sida lagu sheegay bayaanka Madaxtooyada.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qulqulka dadka soo galaya deegaannada Puntland, hirgelinta hannaan hufan oo diiwaangelin ah, ilaalinta xuquuqda qaxootiga iyo daryeelka dadka u baahan gargaarka bani’aadannimo. Bayaanka Madaxtooyada laguma sheegin wax heshiis ah oo kulanka ka soo baxay.