Asmara (Dawan) — Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa walaac ka muujiyay wararka sheegaya in Imaaraadka Carabtu hub tiro badan u daabulayo Itoobiya, xilli xiisadaha Geeska Afrika ay weli taagan yihiin. Qoraal uu Isniintii ku daabacay bartiisa X ayuu wasiirku ku sheegay in bishii Oktoobar oo keliya ay jireen ku dhowaad 80 duullimaad oo lala xiriiriyay daabulista hubka, taas oo uu ku tilmaamay tiradii ugu badnayd ee bil gudaheed la diiwaangeliyo tan iyo bilowgii sannadkan.
“Geeska Afrika uma baahna, mana mudna, waana inaan lagu dhex ridin dagaallo aan dhammaad lahayn,” ayuu yiri Gebremeskel.