Muqdisho (Dawan ) 29 March 2026 – Bangiga Horumarinta Bulshada ayaa si rasmi ah u daahfuray mobile application cusub oo u oggolaanaya macaamiisha inay si toos ah uga dhex furtaan akoon bangi iyaga oo adeegsanaya taleefannadooda gacanta, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo adeegyada maaliyadeed ee dijitaalka ah.
War-saxaafadeed ka soo baxay bangiga oo lagu shaaciyay App-ka cusub ayaa lagu sheegay inuu fududeynayo helitaanka adeegyada bangiga, iyadoo macaamiishu ay awood u yeelanayaan inay akoon furaan, lacag diraan, helaan, isla markaana la socdaan dhaqdhaqaaqyada xisaabtooda wakhti kasta iyo meel kasta.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka bangiga, adeeggan cusub ayaa diiradda saaraya kordhinta helitaanka adeegyada maaliyadeed, gaar ahaan dadka aan hore u heli jirin adeegyada bangiyada caadiga ah.


