Muqdisho (Dawan ) – Bangiga Horumarinta Bulshada ayaa maanta si rasmi ah looga daah-furay magaalada Muqdisho, taas oo sida ay sheegeen hoggaankiisa calaamad u ah horumar muhiim ah oo ku timid nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Guddoomiyaha Bangiga, Cismaan Cali Cadde Xalane, ayaa caddeeyay kaalinta uu Bangigu ka qaadan doono bixinta adeegyo maaliyadeed oo casri ah oo dijitaal ah, kuwaas oo kor u qaadi doona tayada adeegyada bangiyada ee Soomaaliya.
Xalane ayaa sheegay in bangigu yahay mid bulshada ka yimid isla markaana u adeegaya bulshada, isagoo ballanqaaday inay kaalin weyn ka qaadan doonaan horumarinta dhaqaalaha dalka, gaar ahaan maalgelinta khayraadka gudaha.
Wuxuu xusay in bangigan muddo dheer la sugayay, isla markaana uu bulshada u keeni doono adeegyo bangiyeed oo casri ah, oo kor u qaadaya tayada adeegyada maaliyadeed.







