Addis Ababa 19 Diseembar 2025 (Dawan)— Bankiyada Itoobiya ayaa bilaabay hirgelinta shuruudo cusub oo ku xiran sii wadista adeegyada bankiyeed, kadib markii lagu waajibiyay macaamiisha in akoonnadooda lagu xiro aqoonsiga qaranka ee dijitaalka ah, taas oo lagu sheegay tallaabo lagu xoojinayo amniga iyo nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Bankiga Ganacsiga Itoobiya ayaa bayaan rasmi ah ku shaaciyay in macaamiisha aan ku xirin akoonnadooda aqoonsi dijitaal ah oo ansax ah, gaar ahaan nidaamka loo yaqaan “Faida”, aysan awoodi doonin inay sii helaan adeegyada bankiyada marka ay dhammaadaan waqtiyada kama dambaysta ah ee loo qabtay.
Bankigu waxa uu sheegay in macaamiisha looga baahan yahay inay tagaan laamaha bankiyada, ayna la wadaagan lambarka aqoonsiga dijitaalka ah si loogu xiro akoonnadooda, iyada oo macaamiisha looga digay inay ak dhega adeegaan fulinta shurudahan taas oo o keeni karta in la hakiyo adeegyada muhiimka ah sida dhigista lacagaha, la bixinta, wareejinta iyo dhammaan macaamillada kale ee bankiyada.







