Addis Ababa (Dawan ) – LG, Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Kuuriya ( KOICA), xafiiska UNDP ee Soomaaliya iyo xarunta nabadda ee Elman ayaa manata oo Talaado ah magaalada Addis Ababa ka daahfuray iskaashi lagu taageerayo horumarinta xirfadaha iyo nabad-dhisidda Soomaaliya.
Hindisahan ayaa abuuri doona fursado nololeed oo loogu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo loo marayo waxbarashada farsamada iyo xirfadaha shaqo, isla markaana lagu xoojinayo adkeysiga iyo horumarinta dhaqaalaha bulshooyinka ay saameeyeen colaadaha.
Iskaashigan ayaa ka duulaya khibradda Kulliyadda Farsamada iyo Tababarka Xirfadeed ee LG-KOICA Hope ee Addis Ababa, waxaana lagu dhisi doonaa xarun tababar farsamo iyo adeeg oo waafaqsan heerarka caalamiga ah, taas oo UNDP iyo KOICA ay ka hirgelin doonaan xarunta Xarunta Nabadda Elman ee Muqdisho.
Kooxdii ugu horreysay ee tababarayaasha xarunta Elman ayaa tababar, isbarbardhig xirfadeed ka heli doona LG-KOICA Hope TVET College. Kadib waxay tababari doonaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo lagu barayo dayactirka qalabka korontada, ICT-ga, gaar ahaan qalabka kombiyuutarrada iyo isku-xirka shabakadaha, ganacsiga, iyo xirfadaha nolosha.
Dhallinyarada ka qalinjabisa barnaamijka ayaa loo abuuri doona fursado shaqo, iyadoo loo marayo carwooyin shaqo, tababaro shaqo-barasho, taageero ganacsi iyo shabakadaha qaybinta iyo adeegga ee LG ku leedahay Soomaaliya.
Wakiilka xafiiska UNDP ee Soomaaliya, Lionel Laurens, ayaa sheegay in iskaashigani isku xirayo horumarinta xirfadaha, ka-qaybgalka ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo nabad-dhisidda.
“Barnaamijkan waa maalgashi istiraatiiji ah oo lagu sameynayo mustaqbalka Soomaaliya. Hantida ugu weyn ee Soomaaliya waa dhallinyaradeeda — hibadooda, adkeysigooda iyo hal-abuurkooda,” ayuu yiri Laurens.


