Nairobi (Dawan) — Qaybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, kansarku waa cudur laga baqo in magaciisa la sheego. Dadka qaar ayaa ugu yeera “cudurka xun”, taas oo muujinaysa cabsida iyo faquuqa ku xeeran cudur ay dad badani la xiriiriyaan geerida.
Cabdisalaan Guuleed, oo sheegay inuu laba jeer ka badbaaday kansarka heerka afraad, isla markaana la nool cudurka Multiple Sclerosis (MS), oo saameeya habdhiska neerfayaasha, ayaa go'aansaday inuu ka shaqeeyo sidii loo jebin lahaa aamusnaanta ku saabsan kansarka.
“Waxaan ahay Soomaali, bulshadaydana kansarku waa arrin laga gaabsado oo faquuq ku xeeran yahay. Dadku kama hadlaan, xitaa magaciisa ma sheegaan,” ayuu yiri Guuleed.
Wuxuu xusuustaa in markii ugu horreysay ee laga helay kansarka heerka afraad loo sheegay in siddeed toddobaad oo keliya ay u harsan yihiin. Markii dambe ayaa mar kale laga helay kansar gaaray heerka afraad. Waayo-aragnimadaasi waxay si weyn u beddeshay sida uu u arko cudurrada halista ah, cabsida iyo rajada laga qabo badbaadada.
Guuleed ayaa sheegay in dhibaatooyinka uu la kulmay aysan ku koobnayn xanuunka jirka, balse ay sidoo kale ku adkayd sidii uu qoyskiisa, gaar ahaan xaaskiisa, ugu sheegi lahaa xaaladdiisa caafimaad.
“Ma jirin qof igu dhiirrigeliyay ka hor intaanan xanuunsan. Ma aqoon sida aan xaaladda ula tacaalo, mana aqoon sida aan xaaskayga ula hadlo,” ayuu xusuustay.