Muqdisho (Dawan) — Soomaaliya ayaa qorsheynaysa inay January bilowdo dhismaha fiilooyin cusub oo internet-ka ah, kuwaas oo isku xiri doona Hobyo iyo Gaalkacyo, iyo Guumays iyo Buuhoodle. Dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ayaa sameeyay isbahaysi (consortium) si ay si wadajir ah u maalgeliyaan mashruuca, sida uu sheegay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Maxamed Aadan Macallin Cali (Maxamed Soomaali).
Wasiirka oo hadalkan ka sheegay kormeer uu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre Axaddii ku sameeyay xarunta wasaaradda, ayaa sheegay in qiimaynta deegaanka ee waddada koowaad la dhammaystiray, isla markaana la rajaynayo in qandaraaskeeda la bixiyo bisha December, shaqaduna ay bilaabato January.
Wasiirka ayaa sheegay in mashruuca ay ku mideysan yihiin dhammaan shirkadaha isgaarsiinta, kuwaas oo sameeyay consortium si looga baaqsado in shirkad kasta ay qodato fiilo u gaar ah.
“Waxaa laga maarmi doonaa in shirkad kasta ay si gaar ah meel uga qodato fiilo ay isticmaasho. Waa mashruuc ay dhammaantood wada leeyihiin oo ay si wadajir ah u maalgashadeen, dowladduna qayb ayay ka tahay,” ayuu yiri. Wasiirku ma uusan shaacin kharashka mashruuca, magacyada shirkadaha ku jira consortium-ka iyo waqtiga la dhammaystirayo labada waddo.