Muqdisho (Dawan) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Axad ah dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka iyo dib u dhiska Isbitaalka Xoogga Dalka, iyadoo dowladda Shiinuhu ay gacan ka geysanayso dib-u-qaabaynta, dhismaha iyo qalabaynta jaamacadda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo dheer la higsanayay hirgelinta jaamacaddan, si dhammaan ciidamada qalabka sida ay u yeeshaan xarun ay ku bartaan aqoonta difaaca qaranka iyo amniga.
“Muddo ka hor way jiri jireen kulliyado, laakiin waxaan rabnaa in jaamacaddani noqoto jaamacad dhammaystiran oo leh kulliyado kala duwan, mustaqbalkana sii ballaaran doonta,” ayuu yiri.
Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu rajaynayo in jaamacaddu soo saarto hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, isla markaana ay noqoto xarun lagu barto istaraatiijiyadda iyo horumarinta, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo difaaca qaranka.