Muqdisho (Dawan) — Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaysa inay sannadka cusub internet-ka dowladda gaarsiiso ilaa 45 hay’adood oo dowladeed, sida uu sheegay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Maxamed Aadan Macallin Cali (Maxamed Soomaali). Wasiirka, oo hadalkan ka sheegay kormeer uu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre maanta oo Axad ah ku tegay xarunta wasaaradda oo dhowaan dib loo dhisay lana casriyeeyay, ayaa sheegay in adeegga internet-ka dowladda laga maamuli doono xarun cusub oo hawlgal (NOC) ah.
“Waxa ugu muhiimsan ee dardaarankaagii aan fulinayno waa in sannadka cusub ilaa 45 hay’adood aan siinno internet-ka dowladda, oo laga maamuli doono xarunta aan hadda ku soo tusnay,” ayuu wasiirku u sheegay Ra’iisul Wasaaraha.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in bogga adeegyada dowladda elektaroonigga ah (e-Government Portal) uu diyaar noqon doono sannadka cusub. “Meesha aan u soconno weli ma aanan gaarin, laakiin waa meel fiican oo hadafkeenna ah. Wax badan ayaa noo qabsoomay sidii aan kuugu ballanqaadnay, inta dhimmanna waxaan ku hawlannahay sidii aan u dhammaystiri lahayn,” ayuu yiri.