DDS, 29 October 2025 (Dawan) – Barmaamijka shabakada badbaadada waxsoosaarka ee PSNP-5 ayaa qayb muhiim ah ka qaadanaya qorshaha Dowladda deegaanka Soomaalida ee lagu xoojinayo helitaanka cuntada, daryeelka bulshada iyo kobcinta waxsoosaarka miyiga. DDS ayaa kamid ah meelaha uu barnaamijku si xooggan uga hirgalayo, gaar ahaan degmooyinka sida Erer iyo Gota-Biki ee gobolka Sitti, halkaas oo uu barnaamijka ka fulinayo mashaariic horumarineed oo gaaraya 15, kuwaas oo ku kacaya lacag ka badan 29 milyan oo birr oo lacagta Itoobiya ah sida lagu sheegay telefashinka dowlad deegaanka.
Mashaariicdaan waxay diiradda saarayaan kanaallo waraab ah, ceelal, baliyo iyo xarumo dhir lagu kyediyo, kuwaas oo kor u qaadaya waxsoosaarka beeralayda iyo xoolo-dhaqatada, isla markaana abuuraaya shaqooyin rasmi ah iyo kuwa ku-meelgaar ah. In ka badan 32,000 qof oo 3,663 qoys oo ka mid ah loo sameeyay shaqa abur ayaa ka faa’iideysanaya mashruuca taas oo u sahli doonta inay ka baxaan ku-tiirsanaanta barnaamijyada deeqaha.
Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Beeraha DDS, Cabdiraxmaan Nuur Maxamed, oo kormeer ku tagay goobaha ay ka socdaan mashaariicda PSNP-5, ayaa sheegay in dadaalladan ay wax weyn ka beddeli doonaan nolosha bulshada, ayna sare u qaadi doonaan awoodda dadka deegaanka ee dhinacyada shaqo, waxsoosaar iyo iskaashiga bulsho.
Barnaamijka PSNP-5 ee DDS mas’uuliyiinta waxa ay u arkaan tusaale muujinaya sida siyaasadaha badbaadada bulshada iyo shaqo-abuurka la isku waafajin karo si loo gaaro horumar waara oo gacan ka geysanayaa dhimista saboolnimada, abuurista shaqooyin cusub, iyo xaqiijinta damaanad-qaadka cuntada ee bulshada deegaanka.




