Qaahira (Dawan)- In ka badan 20 dal ayaa si wadajir ah usoo saaray bayaan ay uga soo horjeedaan go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland 26-kii Diseembar 2025, iyaga oo tallaabadaas ku tilmaamay mid khatar weyn ku ah nabadda iyo amniga gobolka iyo kan caalamka.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar, Aljeeriya, Qumooros, Jabuuti, Gambiya, Iiraan, Ciraaq, Urdun, Kuwayt, Liibiya, Maldiifis, Nayjeeriya, Cumaan, Pakistan, Falastiin, Qadar, Sacuudi Carabiya, Soomaaliya, Suudaan, Turkiga, Yemen, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, ayaa lagu caddeeyay in aqoonsiga Israa’iil uu yahay tallaabo aan hore loo arag oo si bareer uga hor imaneysa sharciga caalamiga ah.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in go’aankaasi uu xambaarsan yahay cawaaqib halis ah oo saameynaya nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas, isla markaana uu si guud khatar ugu yahay amniga caalamiga ah, arrintaas oo muujinaysa ixtiraam la’aanta Israa’iil ee xeerarka iyo qawaaniinta caalamiga ah.





