Baydhabo (Dawan) – Bannaanbaxyo xooggan ayaa aroortii hore ee saakay ka qarxay magaalada Baydhabo, kadib markii dadweyne careysan ay waddooyinka isugu soo baxeen, iyagoo ka soo horjeestay ganacsato lagu eedeeyay inay diideen qaadashada lacagta Shilling Soomaaliga.
Dibadbaxyadan, oo lagu tilmaamay kuwii ugu xooganaa ee waayadan ka dhaca magaalada ayaa lagu arkay dad badan oo isugu soo baxay waddooyinka waaweyn, kuwaas oo ku dhawaaqayay hal-ku-dhigyo ku aaddan in la dhaqan geliyo isticmaalka lacagta qaranka.
Dadweynaha ayaa sheegay in bannaanbaxyadu ay ka dhasheen cabashooyin la xiriira in ganacsato iyo sarifleyaal qaarkood ay diideen aqbalidda Shillinka Soomaaliga, taas oo caqabad ku noqotay helitaanka badeecooyinka iyo adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan dadka danyarta ah ee ku tiirsan lacagtaas.
Mid ka mid ah dadka bannaanbaxa ka qeyb galay ayaa yiri: “Lacagtaan shalay ma ahayn, daraad ayay shaqeyneysay, ilaa haddana wax baa lagu gadan la’yahay—caqli gal miyaa? Caqli ayaa loo baahan yahay. Anigu maanta ma shaqeyn karo, dhibka na haysta waa weyn yahay.”
Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in ciidamada ammaanka la geeyay qaybo ka mid ah magaalada si ay ula socdaan xaaladda, inkastoo aan weli la soo sheegin rabshado waaweyn oo khasaare geystay.


