Hiiraan (Dawan) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in laba horjooge oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab lagu dilay howlgal 26-kii Nofeembar ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan.
War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in howlgalka, oo ay iska kaashadeen saaxiibada caalamka, lagu dilay Cabdullaahi Maxamuud Abuukar, oo loo yaqaanay Abuu Khaalid, iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Ayuub. NISA ayaa sheegtay in labada nin ay kooxda u qaabilsanaayeen dagaalamayaasha loo yaqaan Xisbada ee degmada Raaga-Ceelle iyo deegaanka Afarta Tuulo.
Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu dhaawacay Macallin Mursal, oo kooxda u qaabilsanaa hawlaha beeraha iyo kanaallada ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyo Faysal, oo u qaabilsanaa dagaalamayaasha Xisbada ee degmada Jalalaqsi.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, horjoogeyaasha la beegsaday ayaa dhowaan soo dhammaystay tababar muddo lix bilood ah uga socday deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu dhacay xilli horjoogeyaashu qorsheynayeen tallaabooyin ay ku dhibaateyn lahaayeen shacabka, gaar ahaan dadka ku howlan wax-soo-saarka beeraha.