Baydhabo (Dawan)– Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa guddoomiyey kulan looga hadlay xaaladda amniga ee Koonfur Galbeed, kaas oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo maareynta isbeddelladii amni iyo maamul ee dhawaan ka dhacay halkaas.
Kulanka waxaa ka qayb galay taliyeyaasha hay’adaha amniga, oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda. Sidoo kale, goob joog ahaa Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.


