Beesha Caalamka ayaa codsatay in si degdeg ah loo qabto madasha madaxweyne Xasan ku dhawaaqay kaa soo ay sheegtay in loo baahanyahay in uu dhex maro Dowladda Federaalka, hoggaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha Federaalka, daneeyayaasha siyaasadeed iyo bulshada.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, oo bayaan soo saaray maanta, ayaa sheegay in loo baahanyahay in dhinacyada Soomaaliya ay qasab tahay inay go'aan ka gaaraan arrimaha muhiimka ah ee siyaasadda qaranka, dastuurka, iyo doorashooyinka si ay u awoodaan inay sii wadaan taageerada Soomaaliya.
“Waxaan ku boorrineynaa Dowladda Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha Federaalka, daneeyayaasha siyaasadeed iyo bulshada inay si degdeg ah isugu yimaadaan oo ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo ku saabsan amniga qaranka, arrimaha siyaasadeed, dastuurka, iyo doorashooyinka si looga jawaabo khatarta Al-Shabaab taasoo fududeyn doonta taageero dheeraad ah oo ka timaadda beesha caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka.