Muqdisho (Dawan) – Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, waxayna dhammaan dhinacyada siyaasadda ugu baaqday inay sida ugu dhaqsaha badan dib u bilaabaan wada-hadallada, isla markaana ay ka gaaraan is-afgarad ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.
Bayaan wadajir ah oo la soo saaray maanta oo Isniin ah ayay saaxiibbada caalamiga ah ku sheegeen inay diyaar u yihiin taageeridda wada-hadallo ay Soomaalidu hoggaaminayso, haddii loo baahdo, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la gaaro heshiis waara oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay sida ugu dhaqsaha badan dib u bilaabaan wada-hadallada, isla markaana ay si degdeg ah uga gaaraan is-afgarad hannaan doorasho oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Saxiixayaasha bayaanku waxay sidoo kale ugu baaqeen hoggaanka Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danta guud ee qaranka, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta sii xumaanshaha xiisadaha siyaasadeed ee jira xilligan xasaasiga ah.









