Beledweyn (Dawan) – Magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan ayaa wajahaysa khatarta ugu sareysa ee fatahaadda wabiga Shabeelle kadib markii heerka biyaha wabiga uu dhaafay heerka digniinta fatahaadda dhexdhexaadka ah, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday FAO SWALIM.
FAO SWALIM, oo ah mashruuca maareynta macluumaadka biyaha iyo dhulka Soomaaliya ee ay maamusho Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha (FAO), ayaa bixiya digniinaha fatahaadaha, xogta roobabka iyo la socodka xaaladaha wabiyada Soomaaliya.
Warbixinta digniinta fatahaadda ee la soo saaray Isniintii ayaa sheegtay in heerka biyaha wabiga ee Beledweyne uu gaaray 6.75 mitir, taas oo 0.25 mitir ka sarreysa heerka digniinta fatahaadda dhexdhexaadka ah ee ah 6.50 mitir.
SWALIM ayaa sheegtay in heerka biyaha uu kor u kacay 0.55 mitir toddobaadkii la soo dhaafay, isla markaana uu hadda ka sarreeyo 1.01 mitir marka loo eego isla muddadan sanadkii 2025 iyo 1.14 mitir marka loo eego celceliska muddada dheer.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in heerarka biyaha ay sii kordhayaan magaalooyinka hoose ee wabiga, oo ay kamid yihiin Buulo Burte, Jowhar, Balcad iyo Afgooye, iyadoo Jowhar uu gaaray 4.88 mitir oo kaliya 0.12 mitir ka hooseeya heerka digniinta fatahaadda.


