Jabuuti (Dawan)— Dalka Jabuuti ayaa laga bilaabay diyaar-garowga tartanka caalamiga ah ee orodka Grand Bara, kaas oo sannadkan la qabanayo markii 43-aad. Mas’uuliyiinta ciyaaraha iyo ciidamada Faransiiska ee dalkaas ku sugan ayaa wada olole lagu dhiirrigelinayo ka-qaybgalka tartankan caanka ka ah gobolka, sida ay Sabtidii sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti.
Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Jabuuti (FDA) iyo ciidamada Faransiiska ee ku sugan dalkaas (FFDj) ayaa iska kaashaday qabanqaabada laba kulan oo isugu jira bandhigyo ciyaareed, madadaalo iyo wacyigelin. Kulamadan ayaa loo qorsheeyay 6-da iyo 13-ka Nofeembar, waxaana lagu qabanayaa xarunta ganacsiga ee Bawadi Mall. Kulankii ugu horreeyay oo qabsoomay 6-dii Nofeembar ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu soo jiidanayo orodyahannada iyo bulshada, halka kulanka labaad loo qorsheeyay 13-ka bishan.
Barnaamijyadan waxaa lagu soo bandhigayaa tartamo isboorti iyo su’aalo aqooneed oo la xiriira taariikhda Grand Bara, oo ka mid ah tartamada orodka ee caanka ka ah Jabuuti, laguna qabto dhulka lamadegaanka ah ee dalkaas. Sidoo kale, qabanqaabiyeyaasha ayaa xarunta Bawadi Mall ka sameeyay goob gaar ah oo lagu bixiyo macluumaadka tartanka, laguna diiwaangeliyo dadka doonaya inay ka qaybgalaan.