Muqdisho (Dawan) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay inay mushaharka ka jartay ku dhowaad 10,000 oo askari iyo agoonta askar ka tirsanayd Ciidanka Xoogga Dalka oo ku dhintay difaaca dalka. Khayre ayaa eedeymahan ka jeediyay shir jaraa’id oo ay qabatay Madasha Samatabixinta. Wuxuu ku dooday in tallaabadan looga gol lahaa in dhaqaale lagu taageero shaqsiyaad uu sheegay inay xiriir dhow la leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Ku dhowaad 10,000 oo askari ayaa mushaharka laga jaray,” ayuu yiri Khayre, isaga oo intaas ku daray in agoonta askarta dhimatay ay iyaguna waayeen lacagihii ay heli jireen. Si kastaba ha ahaatee, eedeymaha Khayre, oo ay ku jirto tirada askarta uu sheegay in mushaharka laga jaray, si madax-bannaan looma xaqiijin.