Jowhar (Dawan)– Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Hiiraan la siiyay caasimadda Hirshabeelle, balse go’aanka kama dambaysta ah ee wareejinteeda ay iska leeyihiin dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay xafladda caleema-saarka hoggaamiyeyaasha Hirshabeelle oo maanta lagu qabtay magaalada Jowhar.
“Walaalaha reer Hiiraan, caasimadda waxaan leenahay waa la idin siiyay, laakiin waxaa la idinka rabaa caasimad meel la dego, lagu nagaado, lagu shaqeeyo, qofkuna uu dareemo lahaansho, amni iyo xasillooni,” ayuu yiri Madaxweynaha. Wuxuu sheegay in caasimaddu tahay halka ay degaan maamulka iyo madaxda ugu sarreysa, taas oo u baahan in laga heshiiyo, nabaddeeda la sugo, amnigeedana la xaqiijiyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wareejinta caasimaddu u baahan tahay habraac sharci iyo mid maamul. Tallaabada koowaad, ayuu xusay, waa in wax laga beddelo dastuurka Hirshabeelle, kaas oo caasimadda u aqoonsanaya Jowhar, arrintaasna laga wada hadlo oo heshiis laga gaaro. Waxaa sidoo kale loo baahan yahay in la helo dammaanad amni oo ku saabsan goobta loo wareejinayo caasimadda. Marka arrimahaas la dhammeeyo, ayuu sheegay in loo gudbi doono wejiga labaad, kaas oo ku saabsan goorta iyo sida caasimadda loo wareejinayo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dib u xusuusiyay taariikhda muranka caasimadda Hirshabeelle. Wuxuu sheegay in dowladda federaalku markii hore go’aamisay in caasimaddu noqoto Buulo-burte, balse qorshahaasi uusan hirgelin, kaddibna shir dambe lagu go’aamiyay in caasimaddu noqoto Jowhar.
Wuxuu intaas ku daray inaysan jirin cid diiddan in caasimadda Hirshabeelle mustaqbalka laga dhigo magaalo ku taalla gobolka Hiiraan ama, haddii la isku raaco, magaalo kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.