Jabuuti (Dawan)– Dowladda Jabuuti iyo Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha (IFAD) ayaa bilaabay ansixinta Barnaamijka COSOP 2026–2031 – kaas oo biyaha, horumarinta miyiga iyo dhismaha nidaamyo cunto oo u adkeysan kara isbeddelka cimilada ka dhigaya mudnaanta ugu weyn.
Kulanka ansixinta barnaamijka oo ka dhacay magaalada Jabuuti ,waxaa guddoominayay Wasiirka Beeraha, Biyaha, Kalluumeysiga, Xoolaha iyo Kheyraadka Dabiiciga ah, Radwan Abdillahi Bahdon.
Barnaamijka COSOP 2026–2031 wuxuu dejinayaa qaabka ay Jabuuti iyo IFAD isaga kaashanayaan shanta sano ee soo socda dhinacyada beeraha, biyaha, kalluumeysiga, xoolaha, silsiladaha qiimaha iyo horumarinta dhaqaalaha miyiga. Wuxuu beddelayaa barnaamijkii hore ee 2019–2025, kaas oo lagu sameeyay qiimeyn madax-bannaan si casharradii laga bartay loogu saleeyo qorshaha cusub.
Qorshaha cusub ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta nidaamyada cuntada ee u adkeysan kara abaaraha iyo isbeddelka cimilada, kobcinta silsiladaha qiimaha, dhiirrigelinta ka qeybgalka ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo xoojinta hay’adaha ka shaqeeya deegaannada miyiga. Waxaa sidoo kale mudnaan gaar ah la siinayaa beeraleyda iyo wax-soo-saareyaasha yaryar, kalluumeysatada, xoolo-dhaqatada, haweenka iyo dhallinyarada.