Muqdisho (Dawan) – Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno iyo baadi-goob lagu raadinayo eedeysanayaal lagu tuhunsan yahay inay geysteen falal xadgudub ah oo ka dhan ah gabar muwaadinad, kuwaas oo muuqaalladooda lagu faafiyay baraha bulshada.
Qoraal ka soo baxay Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in eedeysanayaasha lagu arkay iyagoo ku kacaya falal ka hor imanaya dhaqanka suuban ee Islaamka iyo akhlaaqda wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed.
Booliiska ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan kiiska, isla markaana ay socdaan baaritaanno iyo daba-gal rasmi ah oo lagu doonayo in lagu soo qabto eedeysanayaasha laguna horkeeno cadaaladda.
Ciidanka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay la wadaagaan hay'adaha amniga xog kasta oo gacan ka geysan karta aqoonsiga iyo soo qabashada dadka lagu eedeeyay falalkan.