Muqdisho (Dawan)— Qarax lagu aasay meel u dhow bar-kontorool oo ku taalla degmada Hodan ee Muqdisho ayaa dhacay habeenimadii xalay, iyadoo Booliiska Soomaaliya uu sheegay inuusan jirin qof ku dhintay ama ku dhaawacmay.
Booliiska ayaa sheegay in qaraxa la dhigay agagaarka goob ay ciidamada ammaanku ku leeyihiin kontorool, balse aanu geysan khasaare nafeed maadaama uu ahaa mid dheemish ah
“Qaraxaasi ma geysan wax dhimasho iyo dhaawac ah,” ayuu Booliisku ku sheegay warbixintiisa, isagoo intaas ku daray in hay’adaha ammaanku bilaabeen baaritaan ku saabsan dhacdada.