Muqdisho (Dawan) – Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in gacanta lagu hayo qaar ka mid ah shaqsiyaad loo haysto inay ku lug lahaayeen xadgudub loo geystay haweeney Soomaaliyeed, iyadoo weli uu socdo howlgal lagu baadi-goobayo eedeysanayaal kale oo kiiska la xiriira.
Taliska ayaa sheegay in dadka la xiray ay ka mid yihiin shaqsiyaadkii lagu eedeeyay falka loo geystay haweeneyda, hase yeeshee ma uusan shaacin tirada eedeysanayaasha la qabtay, magacyadooda iyo goobta lagu soo xiray.
Booliiska ayaa xusay in howlgalka lagu raadinayo eedeysanayaasha kale uu weli socdo, isla markaana la sii wadi doono ilaa laga soo qabto dhammaan dadka lagu tuhunsan yahay kiiska.