Jabuuti (Dawan) – Booliska Jabuuti ayaa wada baaritaan la xiriira geerida haweeney ku dhimatay isbitaalka Peltier, kadib markii lagu eedeeyay in ninkeeda uu ku gubay gurigooda oo ku yaalla xaafadda Balbala. Eedeysanaha ayaa la xiray, isagoo wajahaya eedeymo la xiriira dil iyo in uu ka gaabiyay badbaadinta qof khatar ku jiray.
Sida uu sheegay boolisku, dhacdada ayaa dhacday 23-kii Juun, abbaaro 7:00 fiidnimo, kadib muran dhexmaray lammaanaha. Warbixinta hordhaca ah ayaa tilmaamaysa in ninku uu ku shubay ama ku riday haweeneyda walax shidaal ku shaqeysa oo dab shidan yahay, taasoo sababtay gubasho daran.
Haweeneyda ayaa loola cararay isbitaalka Peltier, balse waxay u geeriyootay dhaawacyadii soo gaaray 24-kii Juun.
Baaritaanka lagu sameeyay meydkeeda ayaa muujiyay in ay soo gaareen gubasho ballaaran oo saameysay wejiga, xabadka, caloosha hoose iyo bowdyaha.