Ankara (Dawan)- Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya u leeyihiin dalkiisa, isaga oo rajo ka muujiyay guusha geeddi-socodka wada-hadallada siyaasadeed, ilaalinta midnimada dalka iyo nabad ku wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed.
Erdoğan ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Antalya kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qaybgalayay shirka hoggaamiyeyaasha COP31. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo xaaladaha gobolka. Madaxweynaha Turkiga ayaa xaqiijiyay in dalkiisu sii xoojin doono iskaashiga Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo tamarta.
Hadalkan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahisay Waaxda Isgaarsiinta iyo Warfaafinta Madaxtooyada Turkiga (T.C. İletişim Başkanlığı).
Muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay Ankara ayaa ka muuqata mashaariic iyo hawlo dhowr ah oo Turkigu ka wado dalka. Dhinaca amniga, Turkigu wuxuu Muqdisho ku leeyahay xarunta tababarka ciidamada ee TURKSOM, halkaas oo lagu tababaro laguna tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Iskaashigan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dhisayo awoodda iyo tayada ciidamada Soomaaliya.