Muqdisho (Dawan)- Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa in ka badan $2.3 milyan ku bixisay taageerada bukaannada Soomaaliyeed ee qaba xanuunnada kelyaha iyo wadnaha, iyo dadka u baahan daaweyn dibadda ah, sida uu sheegay Guddoomiyaha Jay’adda, Cabdullaahi Nuur Cusmaan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Hay’addu muddo dheer ku howlanayd taageeridda dadka u baahan daryeel caafimaad, gaar ahaan bukaannada qaba xanuunnada kala duwan ee aan awoodin inay iska bixiyaan kharashaadka daaweynta.
Cabdullaahi Nuur ayaa sheegay in Hay’addu ay bixiso kharashaadka daaweynta 130 bukaan oo kelyuhu shaqayn waayeen, kuwaas oo u baahan in si joogto ah dhiigga looga sifeeyo qalabka sifaynta kelyaha (dialysis). “Dadkaas ilaa 130 ayaa la fara marinayaa. Waxaa ku baxda bishii 100,000 iyo jajab. Markii lacagtaas sanad loo beddelo, waxay noqonaysaa 1.3 milyan iyo ka badan,” ayuu yiri.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in hay’addu ay taageero caafimaad siisay in ka badan 500 oo qof oo u safray dalal dibadda ah si ay u helaan daaweyn aan dalka laga heli karin. Waxa uu xusay in bukaannada loo qoondeeyo taageero ku salaysan xaaladdooda caafimaad iyo duruufahooda, iyadoo kharashaadka qaybtaas ay ka badan yihiin hal milyan oo doollar. Dhanka kale, Hay’addu waxay taageertay daaweynta carruurta Soomaaliyeed ee qaba xanuunnada wadnaha. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhakhaatiir ku takhasusay cudurrada wadnaha carruurta oo ku sugan magaalada Nairobi ay xiriir la sameeyeen hay’ad Sacuudiyaan ah oo ka shaqaysa daaweynta carruurta qaba xanuunnada wadnaha.