Muqdisho (Dawan)- Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cusmaan, ayaa sheegay in hay’addu ay muddo shan sano ah bixinaysay shidaalka ay ku shaqeeyaan matoorada Isbitaalka Banaadir, oo ah isbitaalka ugu weyn ee hooyada iyo dhallaanka ee gobolka Banaadir.
“Isbitaalka ugu weyn ee hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir, shantii sano ee la soo dhaafay annaga ayaa bixinaynay shidaalka matooradiisa ku shaqeeyaan,” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in taageerada hay’addu aysan ku koobnayn shidaalka oo keliya, balse ay sidoo kale isbitaalka gaarsiisay oksijiinta uu u baahan yahay, taas oo laga soo saaro warshad oksijiin oo ay hay’addu keentay kuna xirtay isbitaalka. Waxa uu intaas ku daray in hay’addu dhistay dhismaha warshadda, isla markaana ay bixiso kharashaadka hawlgalkeeda iyo mushaharka shaqaalaha ka howlgala.
Waxa uu warshadda ku tilmaamay “warshaddii ugu weyneyd ee oksijiinta ee dalka Soomaaliya timaadda.”