Muqdisho (Dawan)- Idman Community Bank ayaa maalgelin u diyaariyay isbitaallada, rugaha caafimaadka iyo shaqaalaha caafimaadka Soomaaliya, si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka gudaha, loona yareeyo lacagta badan ee sannad kasta dalka uga baxda daaweynta bukaannada dibadda u safra.
Madaxa Ganacsiga ee Bangiga, Cabdinaasir Cabdullaahi Warsame, ayaa sheegay in Soomaaliya ay sannad kasta lumiso lacag aad u badan oo ku baxda bukaannada u safra dalalka shisheeye si ay halkaas uga helaan adeegyo caafimaad.
“Waxaa lagu qiyaasaa in sannadkii in ka badan 200 oo milyan oo doollar ay dalka dibaddiisa uga baxdo dadka caafimaad u doonta waddamada shisheeye,” ayuu yiri. Wuxuu xusay in kharashkaasi aanu ku koobnayn bukaannada oo keliya, balse uu sidoo kale culays dhaqaale ku yahay ehelkooda la socda, kuwaas oo bixiya kharashaadka safarka, hoyga iyo nolosha inta ay dibadda joogaan.
Cabdinaasir ayaa sheegay in qaybta caafimaadka Soomaaliya ay horumar muuqda samaysay 15-kii sano ee la soo dhaafay, marka la eego adeegyada la bixiyo iyo horumarinta xarumaha caafimaadka ee dalka.
“Waxaa lagu qiyaasaa in 15-kii sano ee ugu dambeeyay ay qaybta caafimaadka waddanku samaysay horumar aad u xooggan,” ayuu yiri.