Jabuuti (Dawan)- Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jabuuti ayaa ansixiyay heshiiska maalgelinta ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) ee lagu dhisayo xaruntii ugu horreysay ee qaran oo lagu baaro laguna daweeyo kansarka. Heshiiskan ayaa ka mid ahaa sagaal hindise-sharciyeed oo uu baarlamaanku ansixiyay intii uu socday fadhigiisii ugu horreeyay ee kalfadhiga labaad ee caadiga ah ee sannadkan.
Mashruuca dhismaha xaruntan ayaa ku kacaya 28.35 milyan oo doollar, iyadoo Bangiga Horumarinta Islaamka uu bixinayo 26.1 milyan oo doollar, halka dowladda Jabuuti ay ku darsanayso 2.25 milyan oo doollar.
Heshiiska maalgelinta ayaa 3-dii Febraayo lagu kala saxiixday magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Waxaa kala saxiixday Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka, Dr. Muhammad Al Jasser, iyo Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh, oo sidoo kale ah guddoomiyaha bangiga u qaabilsan dalka.