Accra (Dawan)- Soomaaliya ayaa Jimcihii Midowga Afrika ugu baaqday inuu yeesho nidaam dhaqaale oo isku filan, isla markaana la xoojiyo Sanduuqa Nabadda ee ururka, si loo helo ilo dhaqaale oo ku filan oo joogto ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa baaqan ka jeediyay kalfadhiga aan caadiga ahayn ee Golaha Fulinta Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Accra ee dalka Ghana, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda.
Cali Balcad ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta Go’aankii Kigali, kaas oo dhigaya in canshuur dhan 0.2% laga qaado badeecadaha qaaradda dibaddeeda laga soo dejiyo, si loogu maalgeliyo hawlaha Midowga Afrika. Wuxuu sidoo kale taageeray dib-u-habaynta lagu mideynayo waajibaadka iyo hawlaha Guddiga Midowga Afrika, wuxuuna soo dhoweeyay hindisaha iskaashi lala yeelanayo hay’adaha maaliyadeed ee Afrika.