Jabuuti, 9 December 2025 (Dawan) – Booliska Jabuuti ayaa laba darawal u gudbiyay maxkamad kadib markii lagu eedeeyay inay wadeen sokor dhacday oo halis caafimaad ku keeni karta bulshada. Dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Balbala, kaddib kormeer ay Ciidamadu sameeyeen kormeer lagu xaqiijinayo amniga guud, halkaas oo la qabtay labadan nin iyo dhowr tan oo sokor ah oo lagu keydiyey bakhaar ku yaalla xaafadda Shiikh Muuse.
Saraakiisha booliska ayaa sheegay in kormeerka lagu ogaaday in sokorta la doonayay in lagu iibiyo suuqyada Jabuuti, isla markaana taariikhdeedu dhacday taas oo halis ku ah badqabka bulshada. Sokorta gacanta lagu dhiagy ayaa loo gudbiyay Shaybaarka Qaranka Jabuuti ee Cuntada (LANAA) si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo, loona qaado tallaabada ku habboon ee xigta.







