Muqdisho (Dawan) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in aan Muqdisho laga diiwaangelin wax falal argagixiso ah toddobaadyadii u dambeeyay, sida lagu sheegay warbixin lagu soo bandhigay shirkii toddobaadlaha ahaa ee Taliska Booliska Khamiistii.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan, ayaa sheegay in warbixin uu shirka ka jeediyay Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir lagu xaqiijiyay in xaaladda amniga caasimaddu ay degganeyd muddooyinkii u dambeeyay.
“Waxaa la xaqiijiyay in toddobaadyadii la soo dhaafay aysan jirin wax falal argagixiso ah oo laga diiwaangeliyay caasimadda,” ayuu yiri afhayeenku.
Sidoo kale, shirka ayaa lagu dhageystay warbixinno ku saabsan howlgallada la dagaallanka argagixisada iyo baaritaannada dambiyada, iyadoo talisyada amniga ay sheegeen in ay socdaan baaritaanno la xiriira howlgallo la fuliyay toddobaadkii la soo dhaafay.


