Muqdisho (Dawan) – Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay Xasan Cilmi Bootaan, oo lagu eedeeyay inuu baraha bulshada ku faafiyay muuqaal xayeysiin ah oo lagu tilmaamay mid meel ka dhac ku ah sharafta iyo karaamada gabdhaha Soomaaliyeed.
Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha laga soo qabtay Degmada Warta-Nabadda, kadib markii lagu eedeeyay inuu xarun uu ugu magac daray “Dugsiga Raaliyo” ka baahiyay muuqaal xayeysiin ah oo la xiriiray iibinta dhul.
Sida uu boolisku sheegay, muuqaalka oo lagu baahiyay barta TikTok ayaa lagu sheegay in qofkii iibsada hal dhul uu “helayo gabar bilaash ah”, taas oo keentay in bulshadu ka dhiidhiso, gaar ahaan dadka u dooda xuquuqda haweenka.
Ciidanka Booliska Caasimadda ayaa falkaas ku tilmaamay mid anshax-xumo ah oo si cad uga hor imaanaya qiyamka bulshada Soomaaliyeed, sharafta haweenka iyo karaamada gabdhaha Soomaaliyeed.