Muqdisho (Dawan) – Hay’adaha amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa sheegay in gabo-gabo uu marayo howlgal ballaaran oo ka dhan waxay ay ku tilmaameen maleeshiyaad hubeysan oo ay ku eedeeyeen inay weerarro hoobiyeyaal ah ku qaadeen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.
Qoraal uu soo saaray Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin, ayaa lagu sheegay in howlgalka ay si wadajir ah u wadaan hay’adaha amniga, isla markaana lagu bartilmaameedsanayo kooxo hubeysan oo lagu eedeeyay inay falal amni-darro ah ka geysteen magaalada.
Taliyaha ayaa sheegay in maleeshiyaadkaasi ay ku sugan yihiin goobo ay deggan yihiin shaqsiyaad uu ku tilmaamay “qaswadayaal isku sheegaya siyaasiyiin”, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay abaabuleen falalka hubeysan ee dhacay.
“Shacabka waxaa lagu wargelinayaa in aysan jirin bannaanbaxyo nabadeed, balse ay jirto dhacdo hubeysan oo ay hay’adaha amnigu ku howlan yihiin afjariddeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka.