Garacad (Dawan)- Burcad-badeed Soomaali ah ayaa sii daayay markabka MV Sward iyo 17 shaqaale ah oo saarnaa, kaddib muddo ku dhow shan bilood oo lagu haystay xeebaha Soomaaliya, sida ay qortay Hindustan Times Sabtidii oo soo xiganaysa wakaaladda wararka AFP. Markabka ayaa laga sii daayay meel u dhow magaalada xeebeedka Garacad ee Puntland, kaddib markii la bixiyay lacag madaxfurasho ah oo aan cadadkeeda la shaacin.
MV Sward waxaa koox hubaysan afduubatay 26-kii Abriil, xilli uu marayay xeebaha Soomaaliya.Shaqaalaha la haystay waxay ka koobnaayeen 15 muwaadin oo Suuriyaan ah iyo laba Hindi ah.
Hindustan Times oo soo xiganaysa AFP ayaa sheegtay in shaqaaluhu ay markabka saarnaayeen markii la sii daayay, halka kooxdii haysatay ay xeebta uga degtay, kaddibna gaadiid ku gashay Garacad.
Gawaari ayaa la sheegay inay xeebta ku sugayeen burcad-badeedda ka hor inta aysan gaarin Garacad, taas oo muujin karta inay xiriir la lahaayeen shabakad ku sugan berriga intii ay badda ku jireen.
Kooxda ayaa MV Sward u adeegsanaysay markab ay kaga duusho maraakiib kale. Waxaa lala xiriiriyay afduubka ugu yaraan laba doonood oo kalluumeysi oo Iiraan laga leeyahay iyo markabka xamuulka MV Lutuf oo watay calanka Cameroon.