Muqdisho (Dawan)– Isbitaalka Shaafi ayaa ku dhawaaqay in uu si guul leh u fuliyay labadii qalliin ee ugu horreeyay ee maqal-beerista casriga ah (Cochlear Implantation) ee abid laga sameeyo Soomaaliya.
War-saxaafadeed uu isbitaalku soo saaray 27-kii Oktoobar ayuu ku sheegay in guushani ay Soomaaliya ka dhigeyso dalka sagaalaad ee qaaradda Afrika ee laga hirgeliyo qalliinkan, halka Isbitaalka Shaafina uu noqday isbitaalkii ugu horreeyay ee dalka ka bixiya adeeggan.
Qalliinnada waxaa fuliyay Dr. Ismaaciil Maxamed Cali , oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada iyo qalliinnada dhegaha, sanka iyo cunaha (ENT), isla markaana leh takhasus gaar ah oo ku saabsan qalliinnada dhegaha iyo maqal-beerista.
Qalliinnadan waxaa suurtageliyay iskaashi dhexmaray Isbitaalka Shaafi iyo shirkadda MED-EL, oo caalami ahaan u soo saarta qalabka maqal-beerista. Sida uu isbitaalku sheegay, iskaashigan ayaa door muhiim ah ka qaatay hirgelinta adeeg caafimaad oo cusub oo dalka baahi weyn looga qabay.