Muqdisho (Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfurtay Qorshaha Qaran ee Waxqabadka Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga 2026–2030, kaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo doorka dhallinyarada ee nabad-dhisidda, amniga qaranka iyo ka qaybgalka go’aan-qaadashada.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hoggaaminaysa hirgelinta qorshahan, iyadoo ay taageerayaan hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Carruurta (UNICEF) iyo Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Dadweynaha (UNFPA).
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdulqaadir, ayaa sheegay in qorshahan shanta sano ah uu ku dhisan yahay afar tiir oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah ka hortagga colaadaha, dib-u-heshiisiinta iyo nabad-dhisidda, ka qaybgalka go’aan-qaadashada, iyo abuurista fursado waxbarasho iyo shaqo oo dhallinyarada loo abuuro.