Hargeysa (Dawan)– Aasaasaha iyo Guddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Group, Maxamed Siciid Ducaale, ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay ragga kaga badan yihiin lacagaha ay dibadda uga soo diraan dalka, isaga oo xusay in haweenku diraan inta u dhexeysa 60% iyo 70% lacagaha dibadda laga soo diro.
Ducaale ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad ballaaran oo isugu jirtay xaflad Qur’aan iyo qalin-jebin jaamacadeed, taas oo ay ka qaybgaleen Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, wasiirro iyo marti sharaf kale.