Muqdisho (Dawan)- Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu daahfuray buugga “Hirarkii Qarsoonaa”, oo ay qortay Guddoomiyihii hore ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, oo loo yaqaan Xaliimo Yareey.
Buuggan oo ka kooban 14 cutub iyo 366 bog ayaa ka hadlaya taariikhda qoraaga iyo waayo-aragnimadii ay soo martay intii ay ku guda jirtay nolosheeda iyo shaqadeeda. Daahfurka buugga waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda, oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, sidoo kale aqoonyahanno iyo qaar ka mid ah qorayaasha Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in dakhliga kasoo xarooda iibka buugga ay Xaliimo Yareey ugu talagashay in lagu taageero carruurta agoonta ah, gaar ahaan dhinaca waxbarashada.