Soomaaliya, 14 October 2025 – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in hadii dowladda ay ogolaan wayso banaanbaxa ay ku baaqeen mucaaradka in uu dhaco, dowladda iyo mucaaradka ay is arki doonaan kii cararana la arki doono.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu ka hadlayay kulan ka dhacay gurigiisa oo loogu diyaar garoobayay banana baxyo ay ku baaqeen mucaaradka dowladdana ay diidan tahay wali.
Cabdiraxmaan ayaa dadka ka soo qeyb galay kulanka u balan qaaday in ay dowlada ka keeni doonaan ogolaansho banaanbaxyo, hadii ay dowladda diidana ay xoog ku qabsan doonaan. “Dowladda waa marki labaad oo aan fursad siinay, hadaan mudaharaad leysla ogolyahay ka keeni wayno keenaa qabsaneynaa loojoojin mayo” ayuu yiri hogaamiyaha xisbiga Wadajir
Cabdirahmaan ayaa hadalkiisa ku daray in Wiilki ku booteeyay yahuud maa tihiin ayaa la idinka keenaa oo Fiqi wasiirka gaashaandiga uu ula jeedo ay is wajahi doonaan, ninki goobta ka carara waa arkeynaa.”anaga iyo wiilki ku booteeyay yahuud maa tihiinaa ka yeersiineynaa(Ahmed Macalin Fiqi, wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya) waa is wajaheynaa, qofki goobta ka carara waan arkeynaa” ayuu raaciyay Hogaamiyaha Wadajir.
Hadalkaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku soo aadaya xilli laba jeer uu baaqday banaanbaxyo ay ku baaqeen mucaaradka, iyada kal ka sii horeysay uu Fiqi uu sheegay in banaanbax la qaban karo uusan jirin, isaga oo mar kale dadka dib u xasuusiyay erayadi Yahuud maa tihiin ee banaanbaxyadi mucxaaradka ee Xilliki Xasan uu qeyb ka ahaa mucaaradka oo Farmaajo uu madaxweynaha ahaa.



