Muqdisho (Dawan)- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka digay in khilaafka ka taagan doorashada Galmudug uu isu beddeli karo dagaal haddii aan lagu xallin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, isagoo ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo horseedi kara hub iyo awood ciidan oo lagu kala adkaado.
Cabdiraxmaan, oo ka hadlayay Miizaan Podcast oo ka baxa Dawan, ayaa sheegay in doorashooyinka dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Galmudug, ay u baahan yihiin in lagu maareeyo wadahadal iyo is-afgarad si looga hortago rabshado siyaasadeed iyo kala qaybsanaan.
Wuxuu sheegay in madaxda Galmudug iyo musharraxiinta ay tahay in loo oggolaado tartan furan oo natiijadiisa lagu kalsoonaan karo, si doorashadu u noqoto mid la aqbalo oo aan muran badan dhalin.
“Doorashada markasta waxaan soo saaraynaa in laga heshiiyo, la isku raaco, si natiijada loo aqbalo, meeshaas uusan dhiiggu ugu daadan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin ku hayso doorashooyinka dowlad-goboleedyada, isagoo sheegay in aan la adeegsan karin awood dowladeed iyo ciidan si musharrax gaar ah loo soo saaro.